Daafaca cusub ee Man United Eric Bailly oo dhawaan aqal galay…(Toure ayaa ka mid ahaa martidii ka soo qeyb gashay AROOSKIISA)..SAWIRRO+MUUQAAL

(Ivory Coast) 30 Juunyo 2016. Daafaca cusub ee lacagaha badan ugu fadhiya Man United ee Eric Bailly ayaa dhawaan ku aqal galay dalkiisa hooyo ee Ivory Coast.

Red Devils ayaa goor aan fogeyn kala soo wareegtay daafaca reer Ivory Coast kooxda Villarreal isagoo waliba noqday mid ka mid ah xiddigihii ugu qaalisanaa ay kooxdan soo iibsato lacago gaaraya 30-milyan oo bound.

Bailly ayaa la aqal galay gabarta uu ka calmaday dunnida ee Vanessa Troupah, waxaana arooskiisa soo xaadiray Kolo Toure, Serey Die ee u safta VfB Stuttgart iyo waliba Max Gradel ee u safta naadiga Bournemouth ee dalka Ingiriiska iyo marti kale oo badan.

SAWIRRO:

aroos

aroos2 aroos1

aroos3

MUUQAAL:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close