CIYAAR KALA BAX AH: Xiriirrada kubadda cagta Yurub iyo Ameerika oo mabda’ ahaan isku raacay arrin muhim ah! (UEFA vs Conmebol)

(Assuncion) 30 Juunyo 2016 – Chile, ayaa dhowaantan ku guulaystey Koobka Ameerika, wuxuuna wajihi doonaa xulkii hanta Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 si ay u yeeshaan ciyaar xiise badan oo kala bax ah oo lagu go’aamin doono wax lagu sheegay xulka adduunka.

Waxaa mubaadaradan keenay xiriirka kubadda cagta Latin Ameerika ee Conmebol, taasoo ay u badan tahay inay soo dhowayso UEFA, sida uu ku dhawaaqay madaxayna Conmebol ee Alejandro Dominguez.

Koobkan ayaa la mid noqon doona sida midkii la baabi’iyey ee Toyota Intercontinental Cup (oo ahaa koob ay ku faltamaan kooxaha kala haysta Champions League iyo Copa Libertadores kahor intaan laga dhigin FIFA Club World Club kaasoo kooxo kale lagu soo daray).

“Waxaannu jawaab wanaagsan ka helnay UEFA oo aan u bandhignay in la abaabulo kulan caalami ah oo dhexmara xulka qaada Koobka Ameerika iyo midka hanta Koobka Qaramada Yurub ee Euro. Haatan waxaannu isla raadinaynaa goortii iyo goobtii lagu dheeli lahaa ciyaarta” ayuu soo tweet-gareeyay Alejandro Dominguez.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close