Barcelona oo markii ugu horaysay ka hadashay go’aankii Messi uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Messi 1

(Barcelona) 30 Juunyo 2016 Kooxda Barcelona ayaa markii ugu horaysay ka hadashay go’aankii uu laacibkooda Lionel Messi uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Messi ayaa sheegay inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Argentina kadib markii laga qaaday Copa America isniintii hore.

Madaxwaynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu oo ka hadlay iscasilaada Messi ayaa ku tilmaamay arin shaqsi ah isla markaana wax faragalin ah aysan ku lahayn Barcelona.

“Iscasilaada Messi? waa go’aan isaga u gaar ah, markii uu xaalku dago isaga ayaa dib uga fikiri doona isla markaana wuxuu gaari doonaa go’aan” ayuu yiri madaxwaynaha Barcelona Bartomeu.

Sidoo kale Josep Maria Bartomeu ayaa qishay in kooxdiisu ay isku diyaarinayso inay heshiis cusub ka saxiixdo Lionel Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close