Patrice Evra oo ku dhaawacmay Tababarka xulka Faransiiska

(Paris) 30 Juunyo 2016 – Daafaca Midig ee xulka Qaranka Faransiiska iyo kooxda Juventus Patrice Evra ayaa ku dhaawacmay tababarkii ugu dambeeyey ee ay xulkiisa Blues ku sameeyeen Clairefontaine.

Evra ayaa dhaawucu ka gaaray gacanta xilli ay isku dheceen isaga iyo Moussa Sissoko, waxaana kaddib la arkayay, isagoo gacanta looga duubay Bantaajo (Bandage), isla markaana dhulka ka kici la’ xanuun dartii.

Halyeyga kooxda Juventus ee 35 sano jir ah ayaa sii wadan kari wayay tababarka xulkiisa, illaa iyo haatanna lama shaacin inta uu la eg yahay Baaxadda dhaawaca gaaray.

Xulka marti gelinaya tartanka Qaramada Yurub ee Faransiiska ayaa kulanka siddeed dhammaaadka waxa uu 3 bisha July la ciyaari doona Iceland.

 Evra

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close