Manchester United oo duulaan cir iyo dhul ah ku qaadeysa Barcelona si ay uga soo faramaroojiso Neymar [Mundo Deportivo]

Neymar-Man-United-Barcelona

(Manchester) 29 Juunyo 2016. Sida laga soo xiganayo Mundo Deportivo, Manchester United waxa ay bilowday duulaan qaawan oo ay ku ugarsaneyso Neymar iyaga oo diraya dalabyo ay ugala soo wareegayaan Barcelona.

24 jirka waxaa la fahansan yahay in uu wadahadalo qandaraas kordhin ah la wado Catalans balse United waxa ay diyaar u tahay jabinta qasnadeeda si ay u hesho Brazil-ka.

Tababaraha cusub ee Red Devils, Jose Mourinho waxa uu doonayaa in Neymar uu keeno Old Trafford marka laga yimaado dhaq dhaqaqqyada ay wadeen ee ah la soo saxiixashada Henrikh Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimovic.

Iyada oo aysan Old Trafford ka jiri doonin kulamo Champions League ah, hadana Mourinho cududa dhaqaale kuma yara madaama uu ku qanciyey Eric Bailly iyo Henrikh Mkhitaryan in ay ka soo tagaan dhinacyadooda oo qeyb ka noqon doona tartankaas ololaha dambe.

Waxaa lala socdaa in Neymar xeyndaabka qandaraaskiisa lagu jabin karo yahay qiime aad u sareeya. €200m, Manchester United diyaar ayey la tahay bixinta aduunkaas.

Dhinaca kale, Mundo Deportivo waxa ay dareensan tahay in Neymar doonayo joogida Barcelona isaga oo taas u sheegay masuuliyiinta kooxda.

Barcelona iyagu wey ku kalsoon yihiin in Superstar-kooda ay heshiis cusub ka saxiixan doonaan balse Neymar waxaa marxalad xulasho oo waali ah galinaya dhaqaalaha ay United diyaarka la tahay.

Hada waxaa Brazil ku sugan masuuliyiinta Barcelona oo la hadlaya Neymar waxa ayna aaminsan yihiin in ay heshiis Jimcaha gaari doonaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close