Hazard oo dhaawac ku seegi kara kulanka Belgium V Wales

Hazard

(Paris) 30 Juunyo 2016. Tababaraha Belgium Marc Wilmots ayaa qiray in aysan wali cadeyn Eden Hazard ka qeyb qaadashadiisa kulanka sideed dhamaadka Euro 2016 ee u dhexeeya dalkiisa iyo Wales ee Jimcaha.

Kabtanka Belgium waxa uu gool dhaliyey kulankii ay 4-0 ku garaaceen Hungary wareega 16-ka balse waxaa soo garay dhaawac cajirka ah.

Wilmots waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in uu diyaar u haado kulanka balse aysan jirin wax balan qaadaya taas.

“Waxaan ka shaqeneynaa in uu 100% taam ahaado,” sidaas ayuu Wilmots u sheegay wariyeyaasha.

“Idinma siin karo waqti cayiman oo ay taasi dhici doonto, ama in uu caadi ahaan doono.”

Belgium wey ku guul dareysatay ka badinta Wales saddexddii jeer ee isugu dambeysay, waxaa ka mida is aragoodii ugu dambeyey ee sanadkii hore waxaana looga badiyey 1-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close