Arsenal iyo PSG oo ku loolamaya saxiixa Lacazette

lacazette

(Paris) 30 Juunyo 2016. Arsenal iyo Paris Saint – Germain ayaa hogaanka u haya loolanka loogu jiro saxiixa Alexandre Lacazette xagaagan.

25 jirka ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waa weyn labadii xagaa ee la soo dhaafay isaga oo 75 jeer shabaqa u soo tabtay Lyon saddexddii sano ee tagay, waxaa ka mida 23 uu dhaliyey kal hore.

Tottenham iyo West Ham United ayaa iyana doonayey xiddiga balse waxa uu dib isugu dhigay kooxo ka waa weyn.

L’Equipe waxa ay warineysaa in Arsenal iyo PSG ay tartan ugu jiraan Lacazette, kaas oo Lyon ku sugnaa ilaa iyo 12 jirkiisii.

Labada Naadiba wali dalab u gudbin balse waxa uu rabaa in uu midkood sugo halkii uu ka aadi lahaa Spurs ama West Ham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close