Zlatan Ibrahimovic oo muuqaal sagootin ah u sameeyay xulka Sweden.. (Daawo)

zlatan1

(Stockholm) 28 Juunyo 2016 – Weeraryahan Zlatan Ibrahimovic oo Arbacadii kulankiisii ugu dambeeyay u dheelay xulka dalkiisa Sweden ciyaartii ay la dheeleen Belgium ee ka tirsanayd tartanka Euro 2016 ayaa bartiisa Facebook soo dhigay Muuqaal (Video) gaaban oo uu ku sagootinayo taageerayaashiisa Sweden.

Muuqaalkaan oo dareen qiiro leh lahaa ayaa Ibrahimovic waxa uu dhigayaa Kabtannimada xulkiisa, isla markaana siibayaa funaanaddii uu xulka u xiran jiray.

Ibrahimovic oo 34 sano jir ah, 116 kulanna u dheelay Sweden ayaa dabadeed waxa uu qaadanayaa Boorsadiisa iyo Baabuurka Volvo ee uu xayaysiinta u sameeyo oo uu ku tegayaa magaalada Rosengård ee Sweden, iyadoo safarkana ay ku wehlinayeen qoyskiisa.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu sameeyey Zlatan:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close