XOG: Vincenzo Montella oo qabanaya kooxda AC Milan (Heshiis dhacay)

(Milano) 27 Juunyo 2016 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Vincenzo Montella uu AC Milan la gaarey heshiis 2 sano ah oo uu fasalkiiba ku qaadanayo €2.3m oo euro.

Wakiilka macallinka ayaa maanta ku sugnaa Casa Milan si uu heshiiska ula dhameeyo Milan, iyadoo lagu wado in Cristian Brocchi uu iskaga tago xilkiisa dhibka badnaa isagoo u socda Brescia sida loo badinayo.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa werinaya in heshiis la dhameeyay, iyadoo Montella uu qalinka ku aasi doono qandaraas 2 sano ah oo uu ku kasbanayo €2.3m fasalkii.

Waxaas oo dhan waxaa ka horreeya in la xalliyo lacagta magdhowda ah ee la siinayo kooxda uu Montella layliyo ee Sampdoria, balse taasi dhib wayn maaha waayo waa €1.1m oo lagu fasiqi karo heshiiskiisa.

Marco Giampaolo ayaa haatan ah ninka ugu cad cad inuu Blucerchiati u waydaarto Montella, balse dhanka kale waxay u muuqataa in heshiiska oo la rasmiyeeyo uun ay dhiman tahay.

FLORENCE, ITALY - MAY 12:   during the Serie A match between ACF Fiorentina and US Citta di Palermo at Stadio Artemio Franchi on May 12, 2013 in Florence, Italy.  (Photo by Tullio M. Puglia/Getty Images)
FLORENCE, ITALY – MAY 12: during the Serie A match between ACF Fiorentina and US Citta di Palermo at Stadio Artemio Franchi on May 12, 2013 in Florence, Italy. (Photo by Tullio M. Puglia/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close