XOG: Medhi Benatia oo qarka u saaran inuu ku biiro Juventus

(Torino) 28 Juunyo 2016 – Warar ka imanaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya in daafaca Medhi Benatia uu qarka u saaran yahay inuu kasoo tago Bayern Munich kuna biiro Juventus.

Dambeedkii hore ee Roma ayay u badan tahay inuu ka tago kooxda Bavaria kaddib imaanshiyaha Mats Hummels, iyadoo Bianconeri ay aad u xiisaynayso.

Warsidaha La Repubblica ayaa haatan sida war sheegaya inuu heshiis dhow yahay, kaasoo xitaa lasoo dhamaystiri karo kahor todobaad-dhamaadkan.

Warsidaha ayaa intaa ku daraya inay labada naadi ku heshiiyeen adduun dhan €20m, balse ay waxay ka niqaashayaan in toos loo bixiyo iyo in €2m oo amaah ah lagu qaato kaddibna €18m sanadka xiga la bixiyo taasoo ku xirnaan doonta inta kulan ee uu safto.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close