RASMI: AC Milan oo macallin u magacaabatay Vincenzo Montella

(Milano) 28 Juunyo 2016 – AC Milan ayaa si rasmi ah u shaacisay inay macallin ka dhigteen Vincenzo Montella, isagoo sidaa ku bedelaya Cristian Brocchi.

Kaddib kulan maanta ku qabsoomay xarunta Casa Milan ayaa lagu gaarey heshiiskan oo ay saxaafaddu sii sheegtay.

Madaxwaynaha AC Milan ee Silvio Berlusconi ayaa deeto heshiiska ogolaaday, sidoo kale waxaa laga tala geliyey maalgashadayaasha Chinese-ka ee kooxda iibsan raba.

“Vincenzo Montella waa macallinkeenna cusub, wuxuuna saxeexay qandaraas 2 sano ah oo bilaabmaya 1-da Luulyo,” ayaa lagu yiri war lasoo dhigay webka rasmiga ah ee Milan.

Waa macallinkii 4-aad ee Milan qabta tan iyo markii la eryey Massimiliano Allegri bishii Jannaayo 2014, kuwaasoo kala ahaa Clarence Seedorf, Filippo Inzaghi, Sinisa Mihajlovic iyo Brocchi oo kulligood fashilmay.

“Qanaaco wayn baa jirta, waxaan rumaysannahay inaan doorasho wanaagsan sameeynay. Aan rajeeyno inuu noo hagaago.” ayuu yiri Adriano Galliani.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close