Magaalo madaxda Argentina Buenos Aires oo daaha ka rogtay Taalo loo sameeyey Lionel Messi

larreta-estatua-messi_1h8397591edti1ew8u6447tkxb

(Buenos Aires) 28 Juunyo 2016. Xitaa waxaa qandho qabatay gobolnatooraha  Caasimada Argentina kaddib markii Lionel Messi uu wacad ku maray in uu isaga fariisanayo kubadda cagta caalamiga ah, waxa uu hada ku soo biiray ololaha ah ‘Ha tagin.’

Duqa magaalada Buenos Aires, Horacio Larreta Rodriguez waxa uu daaha ka rogay Taalo loo sameeyey xiddiga Barcelona  salaasadii maalmo uun kaddib markii uu iska saaray xulashada waayihiisa Seleccion.

Messi waxa uu sheegay in waqtigiisii xulka qaranka dhamaaday kaddib markii ay Chile uga qaaday gool ku laad Copa America, fiinaalihii saddexaad ee ay lumiyaan tartan weyn oo xiriir ah.

Laakiin Larreta waxa uu codsi muuqaal ah u diray oo baraha bulshada lagu baahiyey Leo hadana waxa uu taas ku xoojiyey daah ka rogida Taalo maar ah.

Taalaa Messi waxaa laga dhisay agagaraha Rio de la Plata halkaas oo ay ku yaalaan kuwii hore loogu taagay dad ka mid yihiin Emanuel Ginobili, Luciana Aymar, Juan Manuel Fangio iyo Hugo Porta.

Ololaha sidoo kale waxa ay ka socdaan wadooyinka magaalada Buenos Aires.

Calaamada afar geesta ah #NoTevayasLio (Ha tagin Lio) ayaa lagu qoray calaamado koronto la dhexmariyey oo xafahaas ka bir birqayaan, dadka waxa ay ka raja qabaan wiilka ku dhashay Rosario in uu go’aankiisa badalo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close