Iska ilow Juve! Patrice Evra waxa uu jecelyahay Manchester United…..Arag cadeynta!

122707313

(Manchester) 28 Juunyo 2016. Malaha Patrice Evra waxa uu iminka ku sugan yahay Turin isaga oo matalaya Juve….laakiin wali qalbigiisa kama tirin United oo sida muuqata uu dunida ugu jecelyahay!

Evra waxa uu iminka France kala qeyb qaadanayaa Euro-ga oo ay martigalinayaan balse bogiisa Instagram-ka waxa uu muuqaalkiisa soo dhigay sawir oo ku labisan yahay UNIFORM-ka United ama suutka kooxda xirato kolka ay safreyso!

Evra waxa uu Red Devils uga soo biiray Monoco 2006 waxa uuna la qaaday shan Premier League iyo Champions League sideedii sano ee uu Old Trafford ku sugnaa.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close