HABEEN BIDAAR KUGU GASHAY WAA HABAAR!! Weyne Rooney oo ay xalay tintii ka durugtay+SAWIRO

England-v-Iceland-Round-of-16-UEFA-Euro-2016

(Manchester) 28 Juunyo 2016. England waxa ay Euro 2016 uga hartay gacmaha Iceland, dhacdo lama filaan ku noqotay qof walba.

Ma aha kaliya  ugu yaraan Ciyaaryahada England qudhooda.

Kolbienn Sigthorsson  waxa uu sabab u ahaa mid ka mida lama filaanadii dunida kubadda cagta ugu weynaa isaga oo sahlay in Roy Hodgson shaqada isa casilo.

Qof walba shook ayey ku noqotay, Steve McClaren oo ku sugnaa Sky Sports iyo waliba taageere sheegay in uu ka shalaayey TATTOO uu sameystay.

Laakiin waxa ay u muuqataa in murugada ugu badan haleeshay Weyne Rooney oo habeen ay bidaari ku gashay!

ROONEY-HAIR

Kabtanka Manchester United waxa uu sheegay in uusan ka fariisan doonin ciyaaraha caalamiga ah marka laga yimaado ceebta soo gaartay.

Laakiin isaga oo kulankii Nice la yimi timo buuxa oo uu uga mahadcelinayo shan sano kahor tii uu isku talaalay (Hair Transplant) hadana diyaaradii ku celisay England inta uusan fuulin waxaa la arkayey in ay ka sii qubmeen!

Ma noqon kartaa iftiinkii badnaa in uusan u hiilin?

Mise muragadii ka soo gaartay guuldaradii ebid ugu weyneyd ee England soo gaarta ayaa dib timaha ugu celisay intii ay ahaayeen 2011!!!?

wayne-rooney_1280x1024_76232 Wayne-Rooney-007

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close