“Waan garanaynaa sida loo ciyaaro kubadda cagta” – Giorgio Chiellini oo hadlay kadib guushii ay ka gaareen Spain

(Paris) 27 Juunyo 2016 Dhaliyihii goolkii hore ee xulka qaranka talyaaniga ee Giorgio Chiellini ayaa ka hadlay guushii taariikhiga ahayd ee xulkiisu uu ka gaaray xulka qaranka Spain.

Giorgio Chiellini ayaa sheegay in xulkiisu uusan garanayn kaliya kubadd ku dhisan daafac balse ay sidoo kale siwacan u garanayaan sida loo ciyaaro kubadd qurxoon.

“Ififaalihii fiicnaa waa uu bilowday, waan u qalanay guushii aan gaarnay, fojignaan dheeri ah ayaan muujinay daqiiqadihii ugu danbeeyay” ayuu yiri Giorgio Chiellini.

“Waxaan doonaynay inaan halgan soo muujino kadib sanado badan oo Spain uu haystay kubadda, tani waa bilow, kulan walbo waqtigiisa ayaan siin doonaa, waxaan la ciyaari doonaa xul wayn, Germany ayaa ugu cad cad guusha”.

“Ma garanayno oo kaliya katiinaato (difaac) iyo weerar daba marayn ah, waan garanaynaa sida loo ciyaaro kubadda cagta, taasna caawa ayaan soo muujinay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close