WAA CURADKA ROONEY! Maanta waxa uu xirnaa maaliyada England oo dhabarka ku leh lambarka iyo magaca Jamie Vardy! Ogow sababta…?

Capture

(Nice) 27 Juunyo 2016. XANTII ku saleysneyd in ay xurgufi dhextaal Weyne Rooney iyo Jamie Vardy ayaa lagu maadeystay-  kaddib markii uu kabtanka England u kexeyey xeebta Nice.

Kahor kulanka caawa ee u dhexeeyey England iyo Iceland ayaa waxaa la wariyey colaad u dhexeysa kabtanka Saddexdda Aar iyo weeraryahanka Leicester City.

Majalada Sunsport waxa ay fahansan tahay in waxa utun a aysan dhex ool labada laacib ee Engalnd.

Sidoo kale ma jirto arimo ceynkaas oo ah oo ka dhex jira qoysaska madaama lix jirka uu dhalay Weyne, Kai uu hooyadii la joogay xeebta Nice isaga oo gashan maaalinyada lambarka sagaalaad ee Vardy.

Rooney sidoo kale waxa uu horaantii xilli ciyaareedkii hore qiray in INAN kiisa uu ka codsaday u soo iibinta maaliyada Leicester City oo ah lambarka Vardy madaama uu ka helay dhaliyaha dawacooyinka.

Kai waxa uu soo xirtay galabta kahor is araga Jasiirada reer Scandenevia iyo England.

Waxaa jiray is maan dhaaf ay saxaafada warisay oo labada xiddig ah kaddib markii uu Rooney ka xanaaqay tirada qoraalada ay baraha bulshada ku soo daabacdo xaaska Vardy, Rebekah.

Labada Ciyaaryahan ma aysan muujin calaamad khilaaf in uu ka dhex jiro ah taabbarkii ugu dambeyey ee ay wada qaateen.

nintchdbpict000247684192

Shalay mar la weydiiyey Rooney in uu arimahaas wax ka dhaho waxaa hor booday Tababare Roy Hodgson oo yiri: “Aanaa jawaabta u bixinaya Weyne. Waxa aad ula jeedo qishba kama haysto.

“Dhabtii wax dhibaato ah oo la xiriira Ciyaarta kama dhex jorto Weyne Rooney iyo Jamie Vardy –  waliba waa cagsigeeda.

“Waa saaxiibo aad isugu dhow gudaha iyo banaanka gegida, qishna kama haysto waxa aad tilmaameyso.

“Waxaan kula talinayaa Weyne in uusan ka jawaabin. Waa sheeko uu qod curiye, xiise noo ma laha.”

nintchdbpict0002476873711-e1467037779572

Kahor kulankii saaxiibtinimo ee England iyo Holland, Rooney waxa uu qiray in Kai jeclaaday Jamie Vardy oo horyaalka u horseeday Leicester City.

Rooney waxa uu yiri: “Hal qof ayaa maanta I weydiiyey maaliyada England oo magaca Vardy uga dhigan tahay.

“Saameynta uu ku yeeshay Premier League-ga iyo hada England waa wax u wanaagsan kubadda cagta ee Ingiriiska. Waxaan rajeynayaa in uu taas England u sii wado.”

NINTCHDBPICT000245144590

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close