SORRY MESSI: Hambalyo Sanchez iyo saaxiibadiisa…(Xulka Chile oo sanadkii labaad oo is xigta Copa America ka fara marooqsaday Argentina…+SAWIRRO

(America) 27 Juunyo 2016. Xulka Chile ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay Copa America kaddib markii ay ciyaar la isku riiqmay rigoorayaal 4-2 uga qaadeen Messi iyo maqaawiirtiisa Argentina.

Maadaama aan wax goolal ah la iska dhalin ciyaartan waqtiga caadiga ah iyo waqtiga dheerigaba ayaa waxaa dhacday labo kaarka Cas ah oo la bixiyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Marcelo Diaz ee u safta xulka Chile ayaa garoonka laga saaray daqiiqadii 28-aad kaddib markii uu labo jaale ku qaatay kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi.

Intaan la marin qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 43-aad ayaa waxaa xulka Argentina iyana kaarka cas laga siiyay daafaca Man United ee Marcos Rojo.

Sikastaba, intii aan la gaarin rigoorooyinka ayaa waxaa ciyaarta wax yar u muuqday inuu ku gacan sarreeyo xulka Argentina.

Rigoorooyinkii ayaa waxaa bilaabay Arturo Vidal oo laga duubtay, waxaana dhanka Argentina u bilaabay kabtankooda Lionel Messi oo kor mariyay.

Waxaa xusid mudan in Rigoorayaal 4-1 ay Chile sanadii hore kaga qaaday Argentina Copa America sanadkana waxay kaga qaaday 4-2.

Rigoorooyinka kulanka ayaa loo tuuray sidan:

rig

SAWIRRO:

ch (1) ch (2)

ar (2) ar (3) ar (4) ar (5) ar (6) ar (7) ar (8) ar (9) ar (10) ar (11) ar (12) ar (13) ar (14) ar (15) ar (16) ar (17) ar (18) ar (19)

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close