PSG oo isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso Antoine Griezmann (Waa imisa?)

(Paris) 27 Juunyo 2016 Kooxda PSG ee dalka France ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weerar yahanka xulka faransiiska ee Antoine Griezmann.

AS ayaa shaaca ka qaaday in PSG ay diyaar u tahay inay ku dalbato Antoine Griezmann aduun dhan 60 milyan oo euro si ay ugu qanciso Atletico iibkiisa.

Waxaa la filayaa in Atletico Madrid ay iska diidi doonto dalabka uga imaanaya PSG maadama laacibku uu isbuucii hore saxiixay heshiis cusub oo ah ilaa 2021 laguna burburin karo aduun dhan 100 milyan oo euro.

Antoine Griezmann ayaa ka caawiyay xulkiisa France inuu soo gaaro wareega 8-dhamaadka Euro 2016 kadib markii uu u dhaliyay 2-gool.

Griezmann ayaa diirada u saaran kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub sida Chelsea iyo Man United balse Atletico ayaa isku dayaysa inay sii haysato 25 jirka reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close