Malaha waa kanaa LAMBARKA uu Sadio Mane u xiran doono Liverpool…(EEG SAWIRRADA)

(England) 27 Juunyo 2016. Weeraryahanka Southampton Sadio Mane ayaa soo gaaray Isbitalka kooxda Liverpool isagoona u maray tijaabadii caafimaad ka hor inta uusan ugu biirin adduun dhan 34-milyan oo bound.

Laacibka reer Senegal ayaa noqon doona laacibka saddexaad ee ugu qaalisan taariikhda Liverpool marka uu ku biiro kooxda ka ciyaarta Anfield.

Haddaba waxaa la arkayay marka uu ka soo baxayay Isbitalka Liverpool isagoo xiran Buumaha Liverpool oo ay ku xardhan tahay Lambarka 29-aad kaa oo la maleynayo inuu u xiran doono kooxdan marka uu si rasmi ah ugu soo biiro.

Mane ayaa Southampton u xirta No.10 laakiin halkan lama taabtaan ayuu ka yahay Lambarkaas oo waxaa ku dheela wiilka reer Brazil ee Philippe Coutinho.

SAWIRRO:

http://i3.mirror.co.uk/incoming/article8294533.ece/ALTERNATES/s1023/

Mane mane1 mane2 mane3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close