Kaddib is-casilaadii Messi waxaa isa soo taraya laacibiinta kale ee ka fariisanaysa ciyaaraha caalamiga ee xulka Argentina, Mascherano, Aguero iyo waliba…..

lio1

(America) 27 Juunyo 2016. Waxaa goor dhow soo ifbaxay war gil-gilay kubbada cagta adduunka kaddib markii uu Lionel Messi sheegay inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, maadaama uu hal koob u qaadi waayay xulkiisa Argentina saddex Final oo xiriir ah uu keenay.

“Way adag tahay, lama joogo waqtiga aan wax falanqeyn lahaa,”Messi ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib.

“Qolka dher-badelashada waxaan ka fikirayay in tani tahay dhammadkeyga xulka qaranka.

“Taasi waa sida aan dareemayo waqti xaadirkan, waa murugo baaxad wayn markale waxaana khasaariyay rigooradii aadka muhiimka u ahayd.

Generated by  IJG JPEG Library

“Si adag ayaan isugu dayay inaan koob la qaado Argentina, laakiin ma aysan dhicin, ma sameyn karo midaa.”.

Sikastaba, Sergio Aguero iyo Javier Mascherano ayaa iyana la warinayaa inay raaceen wadadii Messi oo ay ka fariisanayaab ciyaaraha caalamiga ah.

Intaas oo kaliya ma ahanee waxaa kaloo qorsheynayaa inay ka fariistaan xulka Argentina, Angel Di Maria, Ezequiel Lavezzi, Gonzalo Higuain iyo Lucas Biglia.

Sheekada intaa oo kaliya laguma reebinee waxaa kaloo ka imaanaya dhanka laatiin America warar sheegaya in laga yaabo inuu xilka isaga dago ama laga xayuubiyo tababare Tata Martino.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close