EURO 2016: Talyaaniga oo ka tilaabsaday Spain tiigsadayna wareega 8-dhamaadka tartanka (SAWIRRO)

(Paris) 27 Juunyo 2016  Xulka qaranka talyaaniga ayaa soo gabagabeeyay guul la’aantii ka haysatay 22 sano xulka qaranka Spain kadib markii ay ugu awood sheegteen 2-0, talyaaniga ayaana u gudbay wareega 8-dhamaadka ee Euro 2016.

Ciyaartoyda xulka qaranka talyaaniga ayaa ciyaarta ku soo galay dardar xoogan iyaga oo layaab iyo anfariir ka raacsiiyay ciyaartoyda xulka Spain.

Xulka qaranka talyaaniga ayaa iska khasaariyay fursado badan oo ay hogaanka ku qaban kareen laakiin goolhaye David De Gea ayaa xabadka u garaacday kubadd walba oo ka timaada dhanka talyaaniga.

33 daqiiqo Chiellini ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa talyaaniga kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu soo tufay goolhaye David De Gea wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Xulka qaranka talyaaniga ayaa u qalmay inay ku adkaadaan 4-0 qaybtii hore laakiin waxay ku soo idlaatay 1-0.

Qaybtii dambe tababare del Bosque ayaa isbadal ku sameeyay ciyaarta, xulka Spain ayaa isku dayay inuu soo barbareeyo laakiin uma suurogalin.

Eder iyo Morata ayaa laba fursadood oo halis ah ka khasaariyay xulalkooda De Gea iyo Buffon ayaana badbaadiyay laba kubadood oo wax kabadali lahaa natiijada ciyaarta.

Dhamaadkii ciyaarta Pique ayaa ka khasaariyay xulkiisa fursad dahabi ahayd oo soo martay laakiin goolhaye Buffon ayaa banaanka isaga saaray kubadaas.

Daqiiqad kadib Pelle ayaa quusiyay xulka qaranka Spain kadib markii uu goolhaye De Gea dabamariyay kubadd ku soo dhacday daafaca wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka Italy oo la ciyaari doona wareega 8-dhamaadka xulka qaranka Germany.

b25 b26 b27 b28 b29 b30 b31 b32 b33 b34 b35 b36 b37 b38

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b20 b22 b23 b24

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close