EURO 2016: ENG VS ICE 2-1…Iceland oo Ingiriiska ka dirtay Koobka Qaramada Yurub + Sawirro

(Allianz Riviera) 27 Juunyo 2016 – Xulka yar ee Iceland ayaa usoo gudbey rubuc-dhamaadka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 kaddib markii ay ka adkaadeen xulka Ingiriiska oo ay 2-1 ku garaaceen.

Xulka Ingiriiska oo goolka hore oo rigoore deg dega ahaa daqiiqaddii 4-aadba u dhaliyey Wayne Rooney, waxaase ka daba qaatay Ragnar Sigurdsson oo kasoo gudey 2 daqiiqo uun kaddib, kahor intii uusan midka kale u raacinin Kolbeinn Sigthorsson daqiiqaddii 19-aad.

England oo u muuqatey koox aan isku xirneyn wax aragti ah iyo qorshe ciyaareed oo wadareedna aan lahayn ayaa mararka qaar lagu sigayey goolka 3-aad, waxayna markale ku fashilmeen tartan caalami ah, iyadoo ay durba khubarada ciyaaruhu bilaabeen inay is waydiiyaan waxa ka khaldan Ingiriiska.

b1 b

b12 b11 b10 b9 b7 b6 b5 b4 b3 b2

b23 b22 b20 b19 b18 b17 b16 b15 b14 b13

x

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close