Zinedine Zidane oo xukmin doona Xiddigaha Euro 2016… (Sidee? + Video)

Zinedine-Zidane-Adidas-advert-June-2016-1024x539

(Paris) 26 Juunyo 2016 – Xidiggii hore ee xulka Qaranka Faransiiska haatanna ah Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa xukmin doona xiddigaha ugu wanaagsan Tartanka Qarammada Yurub 2016 ee Faransiiska ka socda.

Shirkadda caanka ah ee Qalabka Isboortiga qaabilsan ee ‘Adidas’ ayaa soo bandhigtay xayaysiin qurux badan taasoo ah Zidane oo daawanaya Ciyaaraha Yurub ee Faransiiska, isla markaana dooranaya laacibiinta ugu sarreysa.

Adidas ayaa ugu talo gashay abaal-marin heer sare ah laacibiinta uu Zizou soo xulayo.

Gareth Bale oo Wales u safta iyo Manuel Neuer oo ah Goolhayaha Jarmalka ayaa iyagu muujiyay inay ugu horreeyaan liiska abaal-marinta Adidas, waxaana Bale uu dhaliyay gool laad xor ah oo uu ka soo ganay 30 Yard, halka Manuel Neuer uu hal gacan ku bad baadiyay kubbad ay soo tuureen wiilasha Ukraine.

Filimkan gaaban ee Adidas ay soo saartay ayaa ugu magac dartay ‘First Never Follows’ waxaana ku jira dhallinyaro yar-yar oo xasuusanaya waayihii wacnaa ee xiddigihii Faransiiska u qaaday Koobkii Adduunka 1998-kii iyo Koobkii Euro 2000 ee Zizou.

DAAWO MUUQAALKA:-


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close