‘Waan jeclaan lahaa in aan waqtigeygii la ciyaaro Ozil’.

ozil3

(London) 27 Juunyo 2016. Halyeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa la ciyaarida Mezut Ozil.

Waxa uu ka hadlayey kulankii Germany iyo Slovakia kahor inta uusan bilaaban waxa uuna muujiyey sida uu u jecel yahay ku abuuraha ciyaarta beer dareeyey gool ku laad.

Hayeshee, Low dhiniciisa waxa ay ugu dambeeyn ku badiyeen 3-0 oo ay kala dhaliyeen Boateng, Gomez iyo Draxler waxa ayna sugayaan midkood Spain iyo Italy wareega sideed dhamaadka.

Waxa uu ka yiri Ozil: “Hadii aad siiso waqti iyo baaxad….oo uu helo qof dhalin kara markaa wuu awoodaa in uu helo.

“Waan jeclaan lahaa in aan la dheelo qof sidiisa oo kale ah, tayada uu leeyahay.

“Waxaan aaminsanahay in ay u imaneyso Gomez gaar ahaan, Muller oo gudaha soo galaya si uu u siiyo iyo quudinta sida ciyaalka oo kale ee Ozil, waxaan qabaa in ay bur burin doonaan Slovakia.’

Hull City v Arsenal - The Emirates FA Cup Fifth Round Replay

Sidoo kale halyeygii Arsenal Lee Dixon ayaa isna amaan ugu qubeeyey Ozil.

Waxa uu yiri: ‘Mararka qaar aniga waa ii 10-ka dunida ugu wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close