Kaddib labadii gool ee Antoine Griezmann waa sidee gool dhalinta Euro 2016? + Sawirro

(Yurub) 26 Juunyo 2016 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa labo gool ka dhaliyey Ireland, kulankii dhawaa ee Faransiisku 2-1 ku adkaaday, kuna xaqiijiyey inuu u gudbay siddeed dhammaadka tartanka Euro 2016.

Haddaba kaddib labaas gool ee Antoine Griezmann waa sidee gool dhalinta tartanka Koobka qarammada Yurub ee Euro 2016?.

gool1

Antoine Griezmann labadii gool ee uu haatan ka dhaliyey Ireland ayaa ka dhigan inuu ku soo biiray xiddigaha hoggaanka u haya gooldhalinta tartanka Euro 2016, waxaana uu min saddex gool la wadaagaa Morata iyo Bale.

gool2

Wiilka Spain ee Morata waxa uu leeyahay haatan saddex gool oo uu ka dhaliyey tartanka Euro 2016, kulanka ay habeen dambe la leeyihiin Talyaaniga ayaana suugal ah inuu hoggaanka u qabto gooldhalinta tartankan haddii uu gool ka dhaliyo Azzuri.

gool3

Dhinaca kale Bale oo xulkiisa Wales uu gaaray siddeed dhammaadka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016 ayaa isaguna leh saddex gool, waxaana kulankiisa xiga uu indhaha ku hayaa inuu kordhiyo goolashiisa.

Gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya haatan tartanka Euro 2016:-

Morata #ESP 3 gool

Griezmann #FRA 3  gool

Bale #WAL 3 gool

Capture

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close