HOR DHAC: Italy Vs. Spain (Libinta waa garbo siman balse markan midbaa qosolka dambe yeelan doonta waase tee?)

italy-spain-graphic-euros-euro-2016-badge_3489465

(Saint-Denis) 27 Juunyo 2016. Spain oo labadii olole ee hore isla gedisan ayaa dooneysa in ay taariikh kale dhigto oo ay kolkii saddexaad oo taxane ah qaado koobka qaramada qaarada Europe.

Hase yeshee, waxa ay waji doonaan dal taariikhdu sheegeyso in ay dhinaca guulaha ka siman yihiin, Azzurri oo ay u dheer tahay aar gudasho!

 

WARARKA LABADA WADAN

–    Antonio Candreva waxa uu seegay kulankii ugu dambeeyey ee Group-yada kaddib markii uu muruq booday ciyaartii ay 1-0 uga badiyeen Swden shaki ayaana uga jira tababare Antonio Conte.

– Gianluigi Buffon sidoo kale wuu ka maqnaa ciyaartii ugu dambeeysay ee Group-ka hargab awgiis laakiin waxaa la qabaa in uu soo kaban doono.

– Vincente Del Bosque waa kaartiistaha qura ee hal saf magacaabay heerkii Group-yada, lagama filayo is badal.

-David de Gea kulan qarow ah ayaa soo maray guul daradii Crotia ay biday Spain balse wuu ku soo bilaaban doonaa is araga Italy.

 

MALA SOCOTAA?

-Waa markii 34-aad ee ay Italy iyo Spain luqmaha is galinayaa. Rikoorada wey siman yihiin ilaa iyo hada iyaga oo min 10 jeer kala badiyey halka ay isku garab dheceen 14 mar.

-Kulankan waxa uu noqon doonaa kii lixaad ee ay dalalkan [Italy iyo Spain] isku arkaan koobka qaramada qaarada Europe, waa labada wadan ee isugu is araga badan.

-Italy waxa ay isticmaashay ciyaaryahanada ugu tirada badan Euro 2016 (22).

-Spain waxa ay ku guuleysatay labadii koob ee ugu dambeeyey Euro-ga (2008, 2012), ebid sidaas oo kale kama dhicin tartankan.

-Cesc Fabregas waxa uu abuuray ugu yaraan hal gool (Assist) dhamaan tartamada waa weyn ee uu La Roja ku matalay ee lixda ah. Tan iyo 1980, kaliya Karel Poborksy ayaa intaas wax ka badan sameeyey (6).

SAFAFKA LA FILI KARO

Italy: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Parolo, De Rossi, Giaccherini, Darmian; Pellè, Éder.

Kaar huruudi ah ayey u jiraan in ay seegaan kulankan kan xiga: Barzagli, Bonucci, Buffon, Chiellini, De Rossi, Éder, Insigne, Motta, Sirigu, Zaza

Spain: De Gea; Juanfran, Piqué, Ramos, Alba; Busquets, Fàbregas; Silva, Iniesta, Nolito; Morata.

Kaar huruudi ah ayuu u jiraa in uu seego kulankan kan xiga: Ramos

Gegida: De France

Saacadda Geeska Afruca: 7Pm


 

Waxaa qoray Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close