HOR DHAC: England Vs. Iceland

england-iceland-graphic-badge-euros-euro-2016_3489466

(Nice) 27 Juunyo 2016. England oo ka mida dalalka dhacda walba loo saadaaliyo balse fashilya aragtida falanqeeyeyaasha ayaa kolkan raba in ay soo af jaraan abaarta ka haysata hanashada tartamada waa weyn.

Hase ahaatee, waxa ay fooda daraan Jasiirada Iceland oo si lama filaana uga soo baxday Group ay kula jirtay Portugal, Austria iyo Hungary.

WARARKA LABADA DAL

– Adam Lallana shaki ayaa ku jira In uu kulankan ciyaari doono kaddib markii uu dhaawac canqawga ah tababarka ku soo gaaray. Taas waxa ay ku qasbi doontaa Roy Hodgson in uu ku soo galo kaartada 4-3-1-2 oo uu dhexda dhigo Jordan Henderson si Alli hore ugu durko.

-Harry Kane waxaa la saadaalinayaa in uu safka hore ku soo noqdo, keydka waxaa u cad cad Jamie Vardy.

-Iceland lama qabo in ay is badal badan ku sameeyn doono dhicii Austria kulankii ugu dambeeyey waqtiga dambe ka badiyey.

MALA SOCOTAA?

-Kulankan waxa uu noqon doonaa markii saddexaad ee ay England iyo Iceland is arkaan. Engalnd marna lagama badin, waxa ay bar bar dhac 1-1 galeen bishii Juunyo 1982 halka Juunyo 2004 ay 6-1 ku badiyeen.

-England lagama badin 10-kii kulan ee ugu dambeeyey koobka qaramada qaarada Europe, waxaa laga reebayaa ciyaaraha gool ku laadyada gaaray (Shan wey badiyeen, shan bar bar dhac). Guul daradoodii ugu dambeeysay waxa ay ahayd bishii 13-kii Juunyo 2004 oo ay France garaacday.

-England waxa ay 46 darbo dheereyd Russia, Wales iyo Slovakia laakiin hal gool oo qura ayey ka badnaayeen.

-England waxa ay ahayd kooxda kaliya, marka laga reebo Spain oo ay halkan ka siman yihiin, oo isla hal saf ku ciyaray saddexddii kulan ee Group-yada.

– Hannes Thór Halldórsson oo ah goolhayaha Iceland waxa uu sameeyey bad baadooyinkii ugu badnaa ee Euro-gan marka la bar bar dhigo kuwa kale (18).

SAFAFKA LA FILI KARO

England: Hart; Walker, Smalling, Cahill, Rose; Dier, Rooney, Alli; Lallana, Kane, Sturridge.

Iceland: Halldórsson; Sævarsson, Árnason, Sigurdsson, Skúlason; Gudmundsson, Gunnarsson, Sigurdsson, Bjarnason; Bödvarsson, Sigthórsson.

Gegida De Nice

Saacadda Geeska Africa: 10Pm.


 

Waxaa qoray: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

Gool FM.

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close