EURO 2016: Yuu xulka Belgium ku beegmayaa wareegga siddeed dhammaadka, yaase loo doortay Man Of The Match?

Cl56-7FXIAADCUp

(Bordeaux) 27 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Belgium ayaa kulankii dhawaa ee wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxa uu 4-0 uga adkaaday dhiggiisa Hungary.

Waxa uu xulka Belgium sidaasi ugu gudbay wareegga siddeed dhammaadka Euro 2016, waxaana uu la ciyaari doonaa xulka Wales oo ka soo adkaaday Northern Ireland.

Belgium waxa uu Wales ku wajihi doonaa wareegga siddeed dhammaadka Euro 2016 ciyaar ka dhici doonta magaalada Lille maalin Jimce 1 bisha July ee soo aaddan.

Cl58cwFWYAAAu4U

Dhinaca kale ciyaaryahanka xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee  Eden Hazard ayaa loo doortay laacibka kulanka (Man Of The Match), kaddib markii uu gool dhaliyey mid kalena caawiyey kulankii dhammaaday ee xulkiisu 4-0 kaga adkaaday Hungary.

FG: Codeynta (Man Of The Match) ma’ahan Gool FM ee waa shirkadda Carlsberg.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close