EURO 2016: Xulka Jarmalka oo si raaxo leh ku gaaray siddeed dhammaadka koobka Qaramada Yurub, xilli Ozil rigoore laga qabtay + Sawirro

(Paris) 26 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Germany ayaa si raaxo leh ugu gudbay siddeed dhammaadka koobka qaramada Yurub, kaddib guul 3-0 ay ka gaareen Slovakia, iyadoo Mesut Ozil rigoore laga qabtay qeybta hore.

Jerome Boateng ayaa goolasha u daah rogay xulka Jarmalka, kaddib markii 8’daqiiqo bilowgii ciyaarta uu shabaqa dhigay kubbad xoog leh oo uu ka soo tuuray bannaanka hore ee xerada ganaaxa, markii wiilasha Slovakia ay iska soo saareen kubbad gees laad ahayd ama koorno.

Xulka Jarmalka ayaa helay fursad kale oo uu hoggaanka ciyaarta ku dheereysan karay qeybta hore kaddib gool ku laad loo dhigay, markii Martin Skrtel uu xerada ganaaxa ku jilaafay Mario Gomez, waxaana rigooradaas xulka Jamalka ka khasaariyey oo laga qabtay xiddiga kooxda Arsenal ee Mesut Ozil.

Germany ayaa wali duullaankiisa iska sii watay ilaa dhammaadkii qeybta hore 43’daqiiqo uu goolka labaad u dhaliyey Mario Gomez markii Draxler uu baas qurux badan ku dhexsiiyey xerada ganaaxa, waxaana xusid mudan in goolhaye Manuel Neuer kubbad madax xoog leh oo gool loo filan karay ka badbaadiyey wiilasha  Slovakia kulanka ayaana qeybta hore ku soo dhammaaday 2-0 ay ku gacan sarreeyeen xiddigaha xulka Jarmalka.

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay xulka Jarmalka waxaa hoggaanka u adkeeyey oo ciyaarta 3-0 ka dhigay 63’daqiiqo Julian Draxler, markii uu dhaliyey kubbad dhul ma dhacdo ah, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 lagu dardaray xulka Slovakia.

Xulka qaranka Jarmalka ayaa sidaasi ku gaaray siddeed dhammaadka tartanka Euro 2016, kaddib guushaas raaxada leh oo uu ka gaaray Slovakia oo gabi ahaanba tartanka isaga haray.

SAWIRRO:

Cl5LpUDWEAACojd

Cl5MwZPWkAABLxW

Cl5ODmKWYAAFkAx

Cl5OEhnWkAE8d6N

Cl5OEM_WkAEJPAV

 

Cl5E2tBWgAExWv8

Cl5Ec0mWEAAQ6VE

Cl5Ed8hXEAQSRuE

Cl5EelgWkAErXKT

 

Cl4_LJ8XEAAz2xy

Cl4-L9HWMAAiKT5

Cl4-LX3WIAAAaey

Cl4-Mh5WEAElg3m

Cl4-SWIWgAAYrDo

Cl5D2mwWIAAgZ_B

Cl5DqdcWgAAOHEO

Cl5DqkEWkAALyTW

Cl5DvUAWEAA7EiT

Cl5EpVsWAAAdDsl

Cl47jV_WkAALVUZ

Cl48wbCWEAAonGB

Cl48xjgXEAAsDkF

Cl49QlhWYAEC9bs

Cl49UJOWgAA1sT0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close