Euro 2016: Xulka Belgium oo iska xaadiriyey wareegga 8-da Koobka Qaramada Yurub markii ay xaaqeen Hungary + Sawirro

(Paris) 26 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Belgium ayaa guul raaxo leh oo 4-0 ka gaaray dhiggiisa Hungary kulan ka tirsan wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub, waxaana uu sidaas isaga xaadiriyeen siddeed dhammaadka Euro 2016.

Saddex ka mid ah goolasha ay ku adkaadeen Belgium ayaa yimid qeybtii dambe, waxaana goolka hore u dhaliyey 10’daqiiqo bilowgii ciyaarta Alderweireld, kaddib markii kubbad buluusoon ahayd oo uu soo karoosay K. De Bruyne uu madax xoog leh ku dhaliyey.

Xulka  Belgium ayaa fursado badan oo goolal loo filan karay sameeyey qeybta hore ee kulankan, inkastoo ay gool labaad dhalin kari waayeen, waxaana lagu kala nastay qeybta hore 1-0 looga gacan sarreeyey Hungary.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka Belgium ayaa la yimid saddex gool oo deg deg ah, waxaana goolka labaad u dhaliyey Belgium 78’daqiiqo Michy Batshuayi, kaddib baas qurux badan oo uu ka helay Eden Hazard.

Xulka Belgium ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereystay waxaana goolka saddexaad oo ahaa mid daba-mareyn ah ka dhaliyey 80’daqiiqo Eden Hazard, kaddib markii uu inta labo difaac kubadda ka leexsaday shabaqa dhigay.

Dhammaadkii ciyaarta ayaa waxaa goolka afaraad ee xulka Belgium ku soo xiray kulanka Yannick Ferreira-Carrasco, kaddib markii dhex bixis fiican uu helay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 4-0 lagu dardaray Hungary, xulka Belgium ayaa si raaxo leh ku gaaray siddeed dhammaadka koobka Qaramada Yurub.

SAWIRRO:

Cl53AUOWMAAfHrF

Cl54tzkXIAAB4JQ

Cl54uZoWAAEPHw_

Cl54WoFXIAA9uqJ

Cl55FChWYAArpZP

 

Cl5k_kdWEAAI4TX

Cl5n5D8WgAAOQHc

Cl5nDltWEAAzhIn

Cl5nEqHWgAA-4ro

Cl5nFfZWIAEp4ly

Cl5sLVIWYAEZ81N

Cl5ueX6WEAAnGEL

Cl5xH19WYAEM--I

Cl5xHAfXIAAtQHD

Cl5xj5lWEAElJQU

Cl5z20jWIAER32x

Cl50TaEWgAA0kCm

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close