EEG: Dani Alves oo soo caga dhigtay Turin si uu tijaabada caafimaad ugu maro Juventus

danialves-cropped_pasd00zojbnu10m6drwxsh9d7

(Turin) 27 Juunyo 2016. Dani Alves waxa uu caga dhigtay Turin kahor ku biiristiisa sida weyn loo sugayey ee Juventus, waxa uu tijaabada caafimaadka mari doonaa isniinta.

Daafaca Brazil waxa uu Barcelona oo uu ka soo tagayo ku sugnaa tan iyo 2008, isaga oo kula guuleystay lix La Liga, afar Copa del Rey iyo Champions League oo saddex jeer ruxay intii uu Camp Nou ku sugnaa.

Hase yeshee, Alves qabdaraaskiisa waxaa u lifaaqnaa xeyn daab lagu jabin karo, kaas oo lagu wado in uu dhoco xilli ciyaareedka dambe una suura galin kara in uu horyaalka Serie A-ga dhinac haysta si xora ugu wareego.

Juve waxa ay akoona ay Twitter-ka ku leeyihiin maanta (Axad) soo dhigeen: “Arag yaa soo caga dhigtay Turin! Soo dhawow, @Dani Alves D2!”

Waxa ay dib Website-kooda rasmiga ah ugu xaqiijiyeen in tijaabada caafimaad oo kaliya ay hor taagan tahay saxiixiisa.

Alves waxa uu 391 kulan matalay Barca isaga oo 21 gool u dhaliyey.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close