Meeqa gool ayuu dhaliyay BAABA BALE…. (Gabadhiisa yar ayaa kaaga jawaabeysa!!) + SAWIRRO

(Paris) 25 Juunyo 2016 – Xulka Wales ayaa u soo gudbay wareegga siddeed dhammaadka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016, kaddib 1-0 ay uga adkaadeen kulankii dhawaa dhiggooda Waqooyiga Ireland.

Waxa ay ku adkaadeen kulankan xulka Wales gool ay iska dhaliyeen N. Ireland, waxaana goolkaas sababteeda lahaa Gareth Bale oo karoos uu soo qaaday uu iska dhaliyey 75’ daqiiqo xiddiga Gareth McAuley.

Markii uu kulanku soo idlaaday kaddib Gareth Bale iyo gabadhiisa yar ayaa wacdaro ka dhigay gudaha gaaroonka, waxaana ay sawirro ku galeen gudaha garoonka, iyagoo cabaarna isku cayrsaday.

Sawirrada laga qaaday midkood ayaa muujinaya gabadhiisa oo saddex farood taageysa malaha waxay ula jeeday goolasha uu aabaheed Bale ilaa iminka ka dhaliyay tartanka EURO 2016.

Sidoo kale gabadhiisa waxa ay u muuqatay mid orodka iyo xawaaraha ka dhaxashay Aabaheed, maxaa yeelay aad-bay u cararaysay mararka qaar oo ay iyada iyo Aabaheed Bale ku tartamaan gudaha garoonka.

SAWIRRO:

Bale11

Cl0L5AfWQAEoJV8

Cl0MAx1WAAA7nch

Cl0MAyFWIAg4ZTu

Cl0MAzeWEAAzJ_B

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close