“Laga bilaabo talaadada, Conte waa inuu xooga saaraa shaqadiisa Chelsea” – Cesc Fabregas

(London) 25 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa muujiyay in xulkiisu uu reebi doono xulka qaranka talyaaniga isniinta nagu soo aadan.

Cesc Fabregas ayaa u sheegay tababare Antonio Conte inuu horay ka bilaabo shaqadiisa Chelsea isla maalinta talaadada maadama ay ka reebayaan euro 2016.

“Waxqti yar ayaan la kulmay Antonio Conte, wax fiican ayaanan ka filayaa, waa tababare wayn wuxuuna leeyahay fikrad guuleed” ayuu yiri Cesc Fabregas ka hor kulanka Spain iyo Italy.

“Wuxuu ii sheegay waxa uu doonayo, waxaan ka wadahadalnay arimo badan oo ahaan doona kuwo sir ah, dhabtii waxaan doonayaa inaan lashaqo bilaabo isaga”.

“Haatan waxaan rajaynayaa inaan wada shaqayno waqti dhaw, waxaan u rajaynayaa inuu xooga saaro shaqadiisa Chelsea lagabilaabo talaadada nagu soo aadan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close