KA BOGO: Rikoodhadii laga diiwaan galiyay kulankii uu xulka Portugal ugu soo gudbay wareega 8-da ee EURO 2016… (Nani oo 100 buuxsaday!)

(Paris) 26 Juunyo 2016 – Aqriste waxaan halkan kugu heynaa rikoodhadii laga diiwaan galiyay kulankii uu xulka Portugal 1-0 uga adkaaday waqtigii dheeriga ahaa Croatia, uguna gudbay wareega siddeed dhammaadka ee Euro 2016.

>- Xulka Portugal ayaa gaaray siddeed dhammaanka Euro lix jeer, waana in ka badan xulalka kale.

>- Ricardo Quaresma ayaa dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee la dhaliyey waqtiga dheeriga ah (Extra time) tartanka Euro, tan iyo Andrey Arshavin oo sanadkii 2008 ka dhaliyey xulka Netherlands.

>- Cristiano Ronaldo ayaa ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo kulankan, haddii uu dhalin lahaa waxa uu sidaasi ku noqon lahaa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka Euro, isagoo min 9 gool la wadaagi lahaa Michel Platini.

>- Cristiano Ronaldo ayaa kaliya 19 mar kubadda taabtay qeybta hore kulankan ay la ciyaareen Croatia, iyadoo hal marna uusan kubadda ku dhex taaban xerada ganaaxa ee uu weerarka ku ahaa.

>- Xulka Croatia ayaa ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo qeybta hore ee ciyaarta markii ugu horreysay tartankan Euro 2016.

>- Xulka Portugal ayaa guul gaaray dhammaan saddexdii kulan ee uu la ciyaaray Croatia kulankaan ka hor isagoo lix gool ka dhaliyey, isla markaana aan gool laga dhalin.

>- Xulka Croatia ayaa hal mar kaliya laga adkaaday 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen tartammada Yurub, 6 guul ayey gaareen, saddexna barbaro ayey galeen.

>- Pepe ayaa madaxeeyey shuutkii ugu horreeyey Portugal ee kulankan kaddib 24 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi oo ciyaartu ay socotay.

>- Nani ayaa kulankiisii 100-aad u saftay xulkiisa Portugal.

>- Nani waxa uu noqday ciyaaryahankii afaraad ee Portuguese oo xulkiisa u safta 100 kulan, kaddib Ronaldo, Figo iyo Couto.

Cl0covDWkAEkezE

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close