HOR DHAC: Wales Vs. Waqooyiga Ireland

(Paris) 25 Juunyo 2016.  Gareth Bale waxa uu isha ku hayaa in uu sii wado heer ciyaareedkiisa wanaagsan isaga oo saddex gool dhaliyey saddexddii ciyaar ee ugu dambeeysay.

Garabka Real waxa uu dhinaca kale sheegay in tartanka aysan ka soo qeyb galayaal uun yihiin balse doonayaan in ay qaadaan.

wales-vs-northern-ireland

 

WARARKA LABADA DAL

-Wales dhaawacyo kama wal waleyso, Chris Coleman sidaas daraadeed waxa uu leeyahay saf buuxa oo uu xusho.

-Waxaase jaaleyaal ka qaba Vokes iyo  Ben Davies
– Michael O’Neill isna safkiisa dhaawacyo kama cabanayaan waxa uuna la iman karaan isla safkii dheelay kulankii ugu dambeeyey ee Group-kooda.

-Waqooyiga Ireland waxa jaale hadii ay qaataan ay waayi doonaan Craig Cathcart, Jonny Evans, Jamie Ward iyo Stuart Dallas wareega rubuc dhamaadka,waa hadii ay soo baxaan.

LA SOCO

-Wales lagama badin toddobo kulan oo calaami ah oo ay la dheeshay Waqooyiga Ireland (Afar guul iyo saddex bar bar dhac).

-Guul daradii Wales ee Netherlands ka soo gaartay bishii November waa mida kaliya ee ay sagaal kulan gurigooda ku guul dareysteen (5 Wey badiyeen saddexna bar bar dhac).

– Michael O’Neill intii uu tababaraha u ahaa Waqooyiga Ireland wali ma uusan badin kulan banaanka ah (Away Game), Shan waa laga badiyey labana bar bar dhac).

-Kulankii ugu dambeeyey ee ay Waqooyiga Ireland gool dhaliso kulamada aan tartamada ahayn waxa ay ahayd bishii Agoosto 2006, England ayey la ciyaarayeen.

SAFAFKA LA FILI KARO

Wales: Hennessey; Gunter, Chester, Williams, Davies, Taylor; Allen, Ledley; Ramsey, Bale; Robson-Kanu.

Nothern Ireland: McGovern; Hughes, McAuley, Cathcart, J Evans; Baird, Davis, Norwood, Ward, Dallas; Lafferty.

 

Gegida:  Parc des Princes

Saacadda Geeska Africa: 7Pm.


 

Waxaa qoray: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close