HOR DHAC: France Vs. Jamhuurirada Ireland (Irishka oo aar gudasho goobaya)

france-republic-of-ireland-roi-graphic-euros-euro-2016_3489463

(Lyon) 26 Juunyo 2016. Dimitri Payet iyo xiddigaha kale ee France waxaa ka go’an in ay hantaan tartanka oo ugu dambeeysay 2000.

Taas waxaa u dheer oo shidaya iyaga oo lagu dheelayo dalkooda.

Dhinaca kale Ireland, waxa ay dooneysaa in ay France ka aar-gudato maadama ay 2009 si muran ku jiro ay koobkii aduunka 2010 uga rebeen is reeb reebkiisa.

Thiery Henry ayaa ka dhaliyey gacan.

 

WARARKA LABADA DAL

– Didier Deschamps lama filayo in uu is badal badan ku sameeyo safkiisa.

– Paul Pogba iyo Antoine Griezmann  boosaskooda shaki ayaa hareeyey tan iyo bilowgii tartankan balse in ay ciyaaraan ayaa loo badinayaa, Blaise Matiudi isaga waxa uu ahaa mid aan qaab lahayn waxaana booskiisa gali kara Moussa Sissoko, taas waxa ay Paul Pogba u ogolaan doontaa in uu ku laabtoo dhinaca uu jecel yahay ee dhexda biddix.

-Tababare Martin O’Neil waxa uu la soo shir tagi karaa isla safkii 1-0 uga badiyey Italy.

-Taas waxa ay ka dhigan tahay in John O’Shea, Glenn iyo Wes Hoolahan ay keydka ku soo bilaaban doonaan.

IS ARAGAYADA LABADA DAL

France lagama badin shantii kulan ee ugu dambeeysay oo ay la dheeshi Republic of Ireland (Laba guul iyo saddex bar bar dhac).

-Guul daradii ugu dambeeysay ee ay France kala kulanto Republic of Ireland waxa ay ahayd 1981 ciyaar ka mida ahayd is reeb reebka koobka aduunka waxa ayna ku dhamaatay 3-2.

-Shantii is arag ee ugu dambeeyey waxaa ka dhashay afar gool oo qura –  hal kaliya ayey Irish-ka dhaliyeen oo uu u ansixiyey Robbie Keane ciyaar ka dhacday Stade de kulankii muranka badnaa ee lugta labaad 2009-kii.

France

Markii ugu dambeeysay ee ay France kow uga soo baxday Group-keeda Euro-ga waxa ay ahayd 2004, Giriiga ayaa kaddib sideed dhamaadka ku soo reebtay.

Lagama badin 15 kulan oo tartamada waa weyn ah oo ay ciidooda hooyo ku ciyaareen, 13 wey badiyey labana bar bar dhac.

Markii France ugu dambeeysay ee ay kulan bug bax ah (knock-out Game) waxa ay ahayd 2000 oo ay fiinaalaha ka qaadeen Italy. Wixii intaa ka dambeeyey waxa ay guul daro kala kulmeen Giriiga 2004 oo qaaday ugu dambeyn 2012, Spain oo deedna qaaday.

-France lalama helin gool beegsi (Goal on Target) 205-tii daqiiqo ee ugu dambeeysay Euro-ga 2016.

-Sagaal ka mida 10-kii kulan ee ugu dambeeyey kulamada France ee Euro-ga waxa ay goolasheeda yimaadeen qeybta dambe.

-Saddex ka mid afarta gool ee ay ka dhaliyeen Euro-gan waxa ay dhasheem 89 daqiiqo iyo wixii ka dambeeya.

Ireland

Republic of Ireland waxa ay ciyaarayaan markii taariikhdooda ugu horeeysay wareega bug bax ah.

Guushii ay Italy ka gaareen arbacadii waxa ay ahayd midoodii labaad ee Euro-ga, iyo tii ugu horeeysay tan iyo markii ay England garaaceen 1988. Labada guulba waxa ay ahaayeen 1-0.

Labada gool ee ay Ireland ka dhalisay Euro-ga waxaa u saxiixay ciyaaryahano u dheela Norwich.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

France: Lloris, Sagna, Rami, Koscielny, Evra, Kante, Cabaye, Pogba, Griezmann, Giroud, Payet.

Republic: Randolph, Coleman, Duffy, Keogh, Ward, Hendrick, McCarthy, Brady, McClean, Murphy, Long.

 

Gegida: De Lyon

Saacadda Geeska Africa: 4Pm


 

Waxaa qoray: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close