HOR DHAC: Belgium Vs. Hungaray

(Toulouse) 26 Juunyo 2016. Belgium oo ka mida dalalka bilowgii tartanka loo saadaalinayey hanashada Euro-ga ayaa iminka fursad u haysta in ay u gudbaan wareega sideed dhamaadka.
Ha yeshee, waxa ay wajahayaan Hungaray oo lagu tilmaamay wadama gadaal kala soo baxay bandhigyada wanaagsan, ma ahaan doono kulan la saadaalin karo.
WARARKA LABADA DAL
Hungaray
-Hungaray tababareheeda Bernd Storck waxa uu ku qasban yahay in uu go’aansado shaxda uu adeegsan doono kulankan kaddib markii uu naqshadiisa is badal ku sameeyey saddexddii kulan ee group-yada ilaa iyo gaba gabada. Zoltan Gera waxaa la soo saaray dhamaadkii kualnkii Portugal waxa uuna iminka rabaa in uu ku soo bilowdo dheesha Belgium.
Belgium
-Mark Wilmots lagama filayo is badalo badan laakiin waxa uu go’aan ka gaari doonaa Dembele iyo Radja Nainggolan midkii uu ku soo bilaabi lahaa oo dhexda ku wehelin lahaa Alex Vitsel.
-Dembele waxa uu kulankii ugu dambeeyey ku seegay jug aan aad halis u ahayn.
LA SOCO
– Belgium waxa ay badisay lix ka mida sideedii kulan ee isugu dambeeysay Hungaray (Waxaa ka mida afartii ugu dambeeyssay) , labada kale wey isku garab dheceen.
Ma jirto ciyaar goolal la’aan ku dhamaatay 12-ka kulan ee ay fooda is dareen Hunagary iyo Belgium.
-Hungary waxa ay dhaliyeen goolashii ugu badnaa ee Group-kooda, waxaase la mid ahayd Wales (6 gool), 50% goolashooda waxa ay ka dhasheen dibada xerada ganaaxa.
-Zoltan Gera waxa uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da weynaa ee taariikha Euro gool ka dhaliya (37 sano iyo 61 maalmood).
SAFAFKA LA FILI KARO
Hungary: Király; Kádár, Guzmics, Juhász, Lang; Nagy, Gera; Lovrencsics, Kleinheisler, Dzsudzsák, Szalai.
Hal jaale ayey u jiraan in ay kulanka kan xiga seegaan: Dzsudzsák, Gera, Guzmics, Juhász, Kádár, Kleinheisler, Nagy, Németh
Belgium: Courtois; Meunier, Alderweireld, Vermaelen, Vertonghen; Witsel, Nainggolan; Carrasco, De Bruyne, Hazard; Lukaku.
Hal jaale ayey u jiraan in ay kulanka kan xiga seegaan: Meunier, Vermaelen, Vertonghen, Witsel
Gegida: De Toulouse
Saacadda Geeska Africa: 10Pm
Waxaa qoray: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).
Gool FM.