HAMBALYO UNAI EMERY! Wenger oo is yiri marxabee tababaraha la filayo in uu xagaaga ku biiro PSG balse dhacdadan la yaabka leh ayuu la kulmay….Maxay tahay?

3381202

(Paris) 26 Juunyo 2016. Wagar, wagar, wagar. Arsene-noow!

Malaha tababaraha Arsenal wuu ku wanaagsan yahay soo sahminta da’yar hibo leh ama mar mar siiyo u raadinta sababta uu ula soo saxiixan waayey weeraryahan, laakiin marka ay timaado in uu aqoonsado tababare kubadda cagta oo meel uga hor yimaada dhib ayuu ku qabaa.

Kahor is aragii Turkiga iyo Crotia, Wenger waxa uu u maleenayey in uu la sheekeesanayo Unai Emery oo la filayo in uu xilka tababare ee PSG la wareego xagaaga kaddib markii uu saddex sano oo xiriir ah Europa League u qaaday Sevilla.

Laakiin Wenger qofka uu la sheekeysanayey waxa uu ahaa diktoorkii Crotia, Tomaslav Madzar.

“Waxaan la hadlayey David Trezeguet, laakiin Wenger waxa uu ruxay gacanteyda isaga oo iigu hambalyeyey hanashadii Europa League,” ayuu Madzar u sheegay Sportske Novosti.

“Hadana waxa uu I weydiiyey in aan heshiis la gaaray PSG.”

Ka kaalay Wenger oo xitaa qiil u same, kooxdii amaanka ee garoonka waxa ay u qabeen in ay tababaraha cusub ee PSG uu yahay.

“Waxaan la joogay Rakitic, qaar ka mida qolada amaanka ayaa I weydiistay in aan sawiro la galo waxa ayna u qabeen in aan ahay Emery.” Ayuu yiri Madzar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close