Guddiga Garsooreyaasha UEFA oo ugu baaqay Goolhayeyaasha in aysan Diillintooda soo dhaafin marka gool ku laad lagu tuurayo

(Zurich) 25 Juunyo 2016 – Madaxa Garsooreyaasha Xiriirka UEFA Pierluigi Collina ahaana Garsoore hore oo Caalami ah ayaa ka hadlay Goolhayeyaasha si dhaqso ah uga soo baxa Diillintooda si ay u qabtaan Gool ku laad (rigoore lagu soo ridayo).

Arrintan ayaa daba joogtay Kubbad Rigoore ahayd oo uu goolhayaha Xulka Croatia Danijel Subasic ka bad baadiyay Sergio Ramos ciyaartii Croatia iyo Spain Talaadadii, waxaana Garsoorihii hore Collina uu sheegay in ay taasi qalad ahayd oo Goolhayahaasi uu si deg deg ah uga soo gudbay Diillintii loogu talo galay.

“Dabcan Garsooreyaashu waa inay si feejigan ula socdaan Rigoorooyinka marka la tuurayo, waana in goolhayihii horey u soo boodaa oo xariiqinta soo dhaafaa la siiyaa kaarka huruudka ah, Gool ku laadkaasina lagu celiyaa, haddii kale waxa uu noqonayaa mid sharci darro ah.” ayuu yiri Collina.

“Qof walba waa inuu ogaadaa waxa loo ogol yahay iyo waxa aan loo ogolayn.” ayuu sii raaciyay khabiirkii hore ee Garsoorka Talyaaniga.

UEFA

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close