EURO 2016: Xulka Portugal oo wareegga 8-da Koobka Qaramada Yurub ku wajihi doona Poland kaddib markii uu reebay Croatia

(Marseille) 26 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Portugal ayaa ciyaar la isku daalay oo ka tirsanayd wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub ku reebay dhiggooda Croatia, isla markaana gaaray wareegga siddeed dhammaadka tartankan.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 90’daqiiqo goolal la’aan 0-0, waxaana lagu daray 30’daqiiqo dheeri ah, intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ayey xulka Portugal iska diideen inay gaaraan gool ku laadyo waxaa goolka ay guusha ku qaateen u ansixiyey 117′ daqiiqo Ricardo Quaresma, kaddib markii uu madax ku dhammaystiray kubbad laga badbaadiyey C.Ronaldo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 lagu dubtay Croatia.

Portugal waxa ay wajihi doonaan xulka qaranka Poland oo kulankii furitaanka wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016 rigoorayaal 5-4 uga adkaaday dhiggiisa Switzerland, kaddib ciyaar ay isku mari waayeen barbaro 1-1.

Dalka Portugal waxa uu ku wajihi doonaa wareegga siddeed dhammaadka Euro 2016 xulka Poland ciyaar ka dhici doonta magaalada Marseille maalin Khamiis 30 bishan June.

Cl0jngFWIAAHHoQ

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close