EURO 2016: Xulka Portugal oo ciyaar la isku daalay kaddib reebay dhiggooda Croatia, iskana xaadiriyey wareegga 8-da Koobka Qaramada Yurub + Sawirro

(Paris) 25 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Portugal ayaa ciyaar la isku daalay oo ka tirsanayd wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub reebay dhiggooda Croatia, isla markaana gaaray wareegga siddeed dhammaadka tartankan.

Labadii qeybood ee ciyaartan ayaa ku soo dhammaatay 90’daqiiqo barbaro goolal la’aan 0-0, waxaana loo baahday in la kala saaro labada xul oo la xaqiijo xulkii u soo gudbi lahaa wareegga siddeed dhammaadka, sidaas darteed waxaa kulanka lagu kordhiyey 30-daqiiqo oo dheeri ah.

Intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee kulanka lagu daray ayey xulka Portugal iska diideen inay gaaraan gool ku laadyo, waxaana goolka ay guusha ku qaateen u ansixiyey Portugal 117′ daqiiqo Ricardo Quaresma, kaddib markii uu madax ku dhammaystiray kubbad laga badbaadiyey C.Ronaldo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 lagu dubtay Croatia.

Xulka Croatia ayaa sidaasi isaga haray tartanka qaramada Yurub, waxaana dhanka kale xulka Portugal uu gaaray wareegga siddeed dhammaadka ee Euro 2016.

SAWIRRO:-

Cl00yHeWQAASuRj

Cl0cnyTWEAAXMEK

Cl0covDWkAEkezE

Cl0jne9WMAAVL1m

Cl0jngFWIAAHHoQ

Cl0jnkEWAAASoHC

Cl0jnZrXIAEIo_Z

Cl0yMkXWIAAXT2_

Cl0yMppWYAEqmdR

Cl0yMptWIAEpk2r

Cl0yMrDWQAIMWH-

Cl0yvzsWMAAb5xi

Cl07HgyWgAAe8nW

Cl07sgDWYAAdiOv

Cl07sgmWgAEbl0G

Cl07shaWMAAY1Mo

Cl07shZWgAADheQ

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close