Durba ma khilaaf? Jose Mourinho oo ku jiho wareersan Ed Woodward….Ogow sababta?

Jose-Mourinho-and-Ed-Woodward-June-2016

(Manchester) 26 Juunyo 2016. Tababaraha Manchester United Jose Mourinho waxa uu durbaba ku jah wareeray Ed Woodward –  wax ka yar bil markii loo magacaabay jagada. Majalada Manchester Evening News waxa ay warineysaa in Special One uu filayey in heshiisyo badan waqtigan la sameeyo.

Laakiin iyada o ay July soo gashay, kooxda kaliya hal saxiix ayey ilaa iyo hada sameeysay, Eric Bailly oo ay ka soo iibsatay Villarreal.

Mourinho waxa uu filayey in saxiixyo dheeri ah lagu soo daro waxa uuna ugu yaraan hada bartilmaameedsanayaa afar ciyaaryaha.

Zlatan Ibrahimovic waxaa la filayaa in heshiiskiisa dhamaado maalmaha soo socda, wadahadalada Rapahel Varane, Henrikh Mkhitaryan iyo  Paul Pogba toddobaadyo wey jiitami doonaan mana jiraan wax damaanad qaadaya in ay imanayaan.

Mourinho sidoo kale waxa uu doonayey saxiixa Renato Sanches laakiin wey ka caga jiideen iyaga oo ka baqay saxiixiisa in ay xaqiijiso bixitaankii Louis Van Gaal.

Mourinho waxa uu xaqiijiyey in uusan laacib hada ka dheelaya Portugal la soo saxiixaneyn halka ay United u muuqato in ay ku fashilantay la soo wareegida Breel Embolo.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close