10 ciyaartooy oo Spain ah oo daroogo laga baaray ka hor kulanka ay la leeyihiin xulka Talyaaniga

(Paris) 26 Juunyo 2016 – Waxaa Guddiga Xiriirka UEFA qaybtiisa la dagaallanka Daroogada ay booqdeen Hotel-ka ay deggan yihiin ciyaartoyda xulka Qaranka Spain, iyagoo halkaasi baaritaan caafimaad ku sameeyay 10 ciyaartooy oo Spanish ah.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga xiriirka Kubadda Cagta Spain waxaa qaar ka tirsan xiddigaha xulkaasi laga qaaday Dhiigag iyo Kaadi, iyadoo arrintaasina si nabad ah kusoo gaba-gabowday.

Spain ayaa Isniinta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 7:00 fiidnimo, kulan adag la ciyaari doonaan xulka Talyaaniga, ciyaar ka tirsan wareegga 16-ka Koobka Qaramada Yurub, iyado xulkii soo adkaada uu u gudbi doono siddeed dhammaadka Euro 2016, ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka weyn ee Stade de France ee Magaalada Paris.

Spain

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close