“Waxaan leenahay awood aan ku reebi karno Ronaldo iyo asxaabtiisa” – Ivan Rakitic

(Paris) 24 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Croatia ee Ivan Rakitic ayaa sheegay in xulkiisu uu habeen dambe meel iska saari doono xulka uu hogaamiyaha u yahay Ronaldo ee Portugal.

Portugal oo barbaro wadagashay 3-dii kulan oo ay ciyaartay wareega guruubyada ayaa ku aaday xulka qaranka Croatia wareega 16-ka koobka qaramada qaarada yurub.

Ivan Rakitic ayaa sheegay in Ronaldo uu uga adkaaday tartanka horyaalka Spain haatana uu doonayo inuu ugaadkaado koobka Euro 2016.

“Waan haysanaa awood nagu filan oo aan koobka uga saari karno xulka qaranka Portugal” ayuu yiri Ivan Rakitic oo ka hadlay kulanka wareega 16-ka.

“Ronaldo? waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka, laakiin kaligiis guul ma soo hoyn karo, waa sax oo Portugal uma ciyaarin sidii lafilayay laakiin waa inaan muujinaa taxadar”.

“Ronaldo waxaan uga adkaaday horyaalka markii aan joogay Barcelona, waxaan doonayaa in taas aan ku sameeyo markale xulka qaranka, meel dheer kama fikirayno, waxaa diirada saaraynaa kaliya kulanka nagu soo aadan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close