SAWIRRO: Kooxda AS Roma oo gudbisey waraaqihii ugu dambeeyay ee garoonka ay dhisanayso! (Riyadii Roma oo rumoobi rabta)

(Roma) 24 Juunyo 2016 – Kooxda Roma ayaa maamulka gobolka Lazio u gudbiyey dokumentiyadii ugu dambeeyay ee ku aaddan garoonka casriga ah ee ay doonayso inay dhisato kooxda Roma.

Sida lagu faafiyay asroma.com waxaa lasoo gudbiyey naqshadda garoonka ku caan bixi doona magaca ‘Stadium of Rome’ iyo Tor di Valle’, waxaana waraaqaha la gudbiyey ka muuqda in ka badan 3500 naqshadood iyo warbixino ka kooban 50 kun oo bog oo ay kasoo shaqeeyeen in ka badan 500 khabiir oo iskugu jira muhandasiin, naaqishiin iyo la taliyayaal ka socda ilaa 50 dal oo kala duwan.

“Tani waxya maalin muhim ah u tahay dhismaha Stadium of Rome iyo mashruuca Tor di Valle. Waa mashruuc yeelan doona saamayn dhaqaale iyo mid bulsho, inaan soo dhamaystirno waraaquhuna waxay na gayaysiinaysaa inaan tillaabada xigta qaadno oo aan dhisno garoon ay Roma ku faani karto“.

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b9

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close