”Laacibkayga waan ka wadanayaa EPL” – Saamayntii Brexit oo sii ballaaranaysa!

(London) 24 Juunyo 2016 – Kooxaha ka dheela horyaalka Serie A-da oo ay ku jiran AS Roma ayaa ku dul meeraysanaya kubad qaabeeye Christian Eriksen oo uu wakiilkiisu ka digay inuu Ingiriiska ka diri doono kaddib codayntii Brexit.

Shalay ayay ahayd markii ay Britain u codeeysay inay ka baxday Midowga Yurub, taasoo meesha ka saaraysa xornimadii isu socodka iyo isla ganacsigii, taasoo dabcan saamayn doonta horyaalka EPL.

“Waannu yaraysanaynaa halista jirta, runtuse waxay tahay in warqadaha rukhsadda ah ee ay haystaan laacibiinta Premier League waxay noqon doonaan micne la’aan,” ayuu yiri wakiil Martin Schoots oo la hadlayey La Repubblica.

“Xaalad tan oo kale ihi, waxay igu khasbaysaa inay macmiilkayga kala wado Tottenham.” ayuu raacshey.

Roma iyo Juventus aayaa ka mid ah kooxo gacan mugeed ah oo ka jira Serie A oo cayrsanaya laacibka khadka dhexe ee reer Danish oo haatan 24-jir ah isagoo Ajax ugasoo wareegay Spurs oo 2013 ka dhiibtey €13.5m.

Tottenham Hotspur's Danish midfielder Christian Eriksen celebrates scoring his team's second goal during the English Premier League football match between Manchester City and Tottenham Hotspur at the Etihad Stadium in Manchester, north west England, on February 14, 2016.  / AFP / OLI SCARFF / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.  /         (Photo credit should read OLI SCARFF/AFP/Getty Images)
Tottenham Hotspur’s Danish midfielder Christian Eriksen celebrates scoring his team’s second goal during the English Premier League football match between Manchester City and Tottenham Hotspur at the Etihad Stadium in Manchester, north west England, on February 14, 2016. / AFP / OLI SCARFF / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or ‘live’ services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read OLI SCARFF/AFP/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close