Juventus oo ku dadaalaysa sidii ay usoo xera gelin lahayd Alexis Sánchez (Tillaabo ay qaadayaan)

(Torino) 24 Juunyo 2016 – Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya in Juventus ay todobaadka soo aadan la kulmi doonto metelaha Alexis Sanchez iyagoo doonaya inay woxoogaa hoos u dhigaan qiimaha ay Arsenal dalbanayso oo dhan €42m oo euro.

Laacibka caalamiga ah ee reer Chile ayaa muddo ku jirey shaashadda Juve, balse waxay haatan ugu dambayntii ku tala jiraan inay soo qaataan, jeer ay camaaliqada Torino doonayso bedelka Alvaro Morata, oo Real Madrid kula noqday €30m.

Sida uu qorayo Telelombardia, Juventus ayaa la kulmi doonta wakiilka Fernando Felicevich oo ay markale is arkayaan maalmaha yar ee xiga, iyadoo uu qorshuhu yahay in qiime dhimis laga sameeyo sicirka la dalbanayo oo ah €42m, tiiyoo ay jirto in 27-jirkan lagu qiimeeyo €55m, balse qandaraaskiisa ayaa dhacaya Juunyo 2018.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close