Isku aadka wareega guruubyada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee qaaradda Afrika oo la shaaciyey.. (Egypt v Ghana, Nigeria v Algeria)

(Masar) 24 Juunyo 2016 –  Waxaa maanta la sameeyey isku aadka heerka guruubyada koobka Adduunka 2018 ee qaaradda Afrika, iyadoo ay isku aadeen xulal xoog leh.

Isku aadka ayaa lagu qabtay dalka Masar maanta oo Jimce ah, waxaana isku aadka ka qeyb galay laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Masar Mohamed Elneny.

Waxaa guruubka dhimashada noqday ama guruubka ugu adag Guruubka B, waxaana isku arkaya xulalka Cameroon, Algeria iyo Nigeria, waxaana soo raaca xulka aan dabka yar shidayn ee Zambia.

Xulalkii ku soo baxa kaalinta koowaad ee shanta guruubka ee isreebreebka ayaana Afrika u matali doonta Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka, waxaana taasi ay la micno tahay in midkood Algeria ama Nigeria uu soo gudbi doono, si la mid ah Masar ama Ghana midkood ayaa soo bixi doona.

Waxa ay kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka bilaabanayaan bisha October, iyadoo la ciyaari doono ilaa bisha November sanadka 2017-ka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka oo dhammaystiran:-

Group A: Tunisia, Libya, DR Congo, Guinea

Group B: Zambia, Cameroon, Algeria, Nigeria

Group C: Gabon, Mali, Ivory Coast, Morocco

Group D: Senegal, South Africa, Burkina Faso, Cape Verde

Group E: Ghana, Congo, Egypt, Uganda

  Clulv2ZWkAA7hKm-620x362

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close