Aqriso fariintii qiiraha lahayd ee Alvaro Morata uu u diray kooxdiisii hore ee Juventus

(Turin) 24 Juunyo 2016 Weerar yahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa fariin qiiro leh u soo diray kooxdiisii hore ee Juventus kadib markii la xaqiijiyay inuu dib ugu laabtay Real Madrid.

Morata ayaa laba xiliciyaareed oo cajiib ah ku qaatay kooxda marwada duqda ah ee dalka talyaaniga wuxuuna kula guulaystay 2-horyaalka iyo 2-Coppa Italia.

“Waad salaamantihiin dhamaantiin, ma ahan wax fudud inaan soo qoro qoraalkaan, marka hore waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo i aaminay iilana dhaqmay si aad iigu farxad galisay Juventus” ayuu ku bilaabay fariintiisa.

“Mahadsanid madaxwayne, Pavel Nedved iyo Giuseppe Marotta, mahadsanidiin dhamaan qof walba oo ka shaqeeya kooxdaan cajiibka ah”.

“Mahadsanidiin dhamaan taageerayaasha Juventus ee ku nool dunida daafaheeda sidii waynayd ee aad iitaageerteen iyo jacaylkii shuruud la’aanta ahaa ee aan idinka helay marwalba”.

“Mahadsanid tababare kalsoonidii aad isiisay iyo sidii aad iiga dhigtay laacib fiican, mahadsanidiin hogaamiyayaashii sida fiican iila dhaqmay, mahadsanidiin asxaabtii aan maalmaha cajiibka ah la soo qaatay”.

“Meelwaba oo aan joogo waxaan taageere u ahaan doonaa Juventus, waxaan awoodaa inaan ku faano oo aan cod dheer ku sheego in aanaan xiran kaliya funaanada Juventus balse sidoo kale aan kula guulaystay koobab”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close