Adam Lallana oo maanta ku dhaawacmay tababarka Ingiriiska, miyuu ciyaarayaa kulanka Iceland?

Adam+Lallana+England+Training+Session+b7uN5KsCqWXl

(Chantilly) 24 Juunyo 2016 –   Xoogaa welwel ah ayaa maanta oo Jimce ah ka dhex taagan xulka Qaranka Ingiriiska kaasoo ku saabsan dhaawac soo gaaray ciyaaryahanka Khadka dhexe ee xulkan Adam Lallana.

Laacibka kooxda Liverpool ayaa la arkayay isagoo ka sii degaya Buska xulka Ingiriiska magaallada Chantilly ee Faransiiska iyadoo Canqawgana uu Baraf uga duuban yahay.

si walba oo ay ahaato sida saxaafadda Ingiriisku sheegeyso Lallana ayaa dhaawiciisu uusan ahayn mid sidaa u sii culus waxaana la leeyahay waxa uu ka qayb qaadan karaa tababarka buuxa Ingiriiska ee berri oo Sabti ah ay  isugu diyaarinayaan ciyaartooda Kulammada 16-ka Qarammada Yurub oo ay la dheeli doonaan xulka Iceland.

Lallana ayaa ciyaaray dhammaan saddexdii kulan ee uu dhowaan ciyaaray xulka Ingiriiska Koobka Euro 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close